Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in garoonkan uu noqon doono midkii ugu horreeyey ee degmadaasi oo waliba si wanaagsan loo dhisi doono.
Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonkan, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono garoonkaasi.




From the comments