Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, laguna taageerayo Yuusuf Dabageed oo dhowaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Dadka ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo ku aaddan dibadbaxyadooda, iyaga oo sheegaya in masiirkii Hirshabelle la dhumiyey.
Dibadbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee B/weyne waxay ku jaren dhagxaan, iyadoo meelaha qaar uu joogsaday isku socodka gaadiidka magaaladaasi.




From the comments