Waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah, kuwaasi oo lagu qaboojinayo xiisadda maalmahan dambe ka taagneyd magaalada B/weyne.
Nabadoon Cilmi Hagar Guurre oo ka mid ah waxgaradkan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ka waxgarad ahaan ku dedaalayaan iney xaaladda dedejiyaan, lana kulmaan cid walbo oo arrintaasi quseysa.
Sidoo kale, Nabadoonka ayaa sheegay in dhaqanka markii ay isku yimaadaan ay caddeyn doonaan go’aankooda kama dambeysta ah iyo waxa ay ka qabaan Hirshabelle.




From the comments