Maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan dib u dayactirka buundada weyn ee degmadaasi, taa oo burbur uu ka muuqdo.
Xasan Maxamed Cali, guddoomiyaha degmadaasi oo u warammay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Buurdhuubo iyo maamulkooda ay si iskaa wax u qabso ah ku dhisi doonaan buundadaasi.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha in buundadan burburka ay soo gaarsiiyeen gaadiidka waaweyn ee ciidamada , taasina ay keentay in hadda marka la marayo aysan dadku ku qabin dhiiranaan.




From the comments