Wararka ka imanaaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo diyaar garow xooggan, kaasi oo ku aaddan shir looga hadli doono aayaha gobolkaasi, kana dhan ah Somaliland.
Shirkan waxaa ka qeybgali doona wasiirro, xildhibaanno Puntland ah iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada ee gobolka Sanaag.
Waxaa shirkan loogu magacdaray midinimad iyo aaya ka talinta gobolka Sanaag, xilli maalmahan dambe gobolkaasi laga soo sheegayey xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.




From the comments