24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegaya in maamulka Galmudug gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb ay hey’adaha amniga si gaar ah ugu yeereen dadka ka soo-jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee maamul goboleedka koonfur galbeed, iyaga oo ka dalbaday iney guuraan ama xoog lagu tarxiili-doonno, arrintaas oo maamulka Galmudug iyo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay ku tilmaameen daacayd waxbo kama jiraan ah.
Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Ibraahim Jeekey oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay “Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda deegaanka koonfur galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega, oo dammiin ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantiodooda”.
Waxaan kale oo aan weydiinney dadka loo yeeray“Dadka loo yeeray waa dadka deegaankaas ka soo jeeda, haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, timo-jarayaal, waratada iyo dhamaan qofka kasta oo jooga Dhuusamareeb, waana yimaadeen, oo waxaa ay ballanqaadeen iney la shaqeynayaan hey’adaha amniga” .




From the comments