Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Dagaalkan waxaa ku dhintay taliyahii qeybta Booliiska ee gobolka Hiiraan, Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow Xalane.
C/naasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga DFS ayaa sheegay iney ka xun yihiin geerida taliyaha, sidoo kalena ay guddi u saareen arrinta dagaalka.




From the comments