Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada B/weyne ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi iyo sidoo kale rabshadihii ka dhacay B/weyne.
Waare ayaa sheegay in shacabka B/weyne ay muujin karaan dareenkooda, balse aan la aqbali doonin in magaalada la fowdeeyo, lana abaabulo qalalaase.
Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabelle ayaa tilmaamay iney ka war sugi doonaan Labada guddi ee DFS iyo Hirshabelle u kala magacaabeen xaqiiqo raadinta dhimashada taliyahii Booliiska ee qeybta gobolka Hiiraan iyo rabashadihii ka dhacay magaaladaasi.




From the comments