Goobjoog

Kenya Oo Ku Dacweyneysa Ingiriiska iyo Norway Iney Hurinayaan Kiiska Badda Ee Kala Dhaxeeya Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney gudbin-doonto dacwad ka dhan ah dalalka Ingiriiska iyo Norway, iyada oo labada dal ku eedeysay iney hurinayaan kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Dhinaca kale,…

Kenya Oo Ku Dacweyneysa Ingiriiska iyo Norway Iney Hurinayaan Kiiska Badda Ee Kala Dhaxeeya Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney gudbin-doonto dacwad ka dhan ah dalalka Ingiriiska iyo Norway, iyada oo labada dal ku eedeysay iney hurinayaan kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay iney dalkiisa uu xoogga saarayo in dib loo furo wadahadal ku aadan kiiska badda kadib markii ay fashilmeen kuwii hore.

Wada hadalka waa waddada keliya ee xalka muranka labada dal, waana waddada aan inagu mar walbo riixeyno” sidaasi waxaa yiri Col Cyrus Oguna, oo afhayeenka dowladda Kenya.

Hadalkan waxaa uu imaanayaa kadib markii  war ka soo baxay Qaramada Midoobey looga digay dalalka reer galbeedka ee shidaal ka raadinaya goobaha lagu muransan yahay ay sii hurin karaan colaadda.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments