Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo muddo ka badan bil ku xirnaa Magaalada Hargeysa.
Xildhibaanka ayaa la xiray kadib markii uu maalinta 18-ka May ee ay Somaaliland u calaamadeysay gooni-isu-taaggeeda uu ku sheegay in ay tahay maalin ay leeyihiin beelo gaar ah halka Somaliland looga aqoonsanyahay maalin xuriyad.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Beelaha Somaliland aysan u dhameyn maalinta 18-ka May, isaga oo intaasi raaciyey in aanu ka qeyb galeyn.




From the comments