Maamulaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) Mark Green ayaa ku dhawaaqay in xafiiska howlgalka hey’adda laga furayo magaalada Muqdisho. Xafiiskaasi waxaa uu xirnaa tan iyo January 5, 1991.
Howl-galkan uu hoggaamin-doono agaasimaha hey’adda Jeffrey Bakken ayaa lagu wadaa iney la shaqeeyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay fuliyaan mashaariic badan.
Mudane Mark Green ayaa oo xafladda arrinkan lagu shaaciyey ka hadlayey ayaa sheegay in howlo badan ay ka wadaa gudaha Soomaaliya, isla markaana ay qorsheynayaan mashaariic kale oo lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah.




From the comments