Wafdigii xildhibaanada ahaa ee gaaray magaalada Gaalkacyo maalinimadii Jimcada, ayaa kulankoodii ugu horeeyay waxa ay la qaateen odayaasha dhaqanka degmada Gaalkacyo ee Galmudug.
Kulanka ayaa ugu horeyn la isku warsaday u jeedada wafdiga iyo guud ahaan xaalada iyo sida looga xun yahay wixii ka dhacay Gaalkacyo, oo imaashaha wafdiga uu salka ku haayo xal ka gaarista arritaas.
kulanka oo labo waji lahaa ayaa xildhibaanadu midka hore waxa ay la qaateen odayaasha dhaqanka, ayagoo si guud ugala hadlay wixii dhacay, kulanka kale ayaa waxaa wada qaatay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka maleeshiyadii dhibka geystay.




From the comments