Xildhibaan C/qaadir Cali Diirshe oo ka mid ah mudnayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay isbedal dhab ah oo maamulkooda ah, si looga gudbo khilaafyada jira.
Xildhibaankan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in waqtigii Galmudug loo asteeyey ku dhammaday oo kaliya khilaaf iyo inaan bulshada waxbo loo qaban.
Wuxuu ku taliyey Xildhibaan Diirshe in shacabka loo sameeyo maamul tayo leh, islamarkaana ka fekera aayaha dadka uu matalo, meeshana laga saaro shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh, waa siduu hadalka u dhigaye.




From the comments