Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaa weli ka soconaya kulamo kala duwan oo u dhaxeeya wefdiga dowladda ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna.
Weli kulamadan wax natiijo ah lagama soo sheegin, balse sidey inoo xaqiijiyeen ilo aynu ku kalsoonnahay, waxay marayaan meel wanaagsan,
Dhanka kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa weli diiddan la kulanka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdiga la socda.




From the comments