Akhriso: Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay Inuu Buray Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu-sunna, Kuna Dhawaaqay Doorasho
Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in gabi ahaanba uu buray heshiiskii Galmudug iyo sidoo kale Ahlu-sunna Waljameeca.
Wuxuu tilmaamay Xaaf, in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, sidoo kalena meesha ay ka baxayaan wax walbo oo ku yimid heshiiskii horey u dhacay.
Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in uu dhammaaday mad-madowgii ka dhex jiray dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.
Halkaan hoose ka akhriso: