Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo xalay lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi wuxuu durba ka bilaabay kulamo gaar gaar ah.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweyne Xaaf kusoo dhoweeyey Cadaado, iyadoo uu degay madaxtooyada magaaladaasi.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay sheegayaan in Xaaf uu wado kulamo gaar gaar ah, isaga oo isla xalay la kulmay xildhibaannada federaalka ee ku sugan magaalada Cadaado.




From the comments