Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay sida ay ku suurtagashay in dowladda Sacuudiga ay xayiraadda ka qaaddo xoolaha dalka laga dhoofin jiray.
Wasiirka Xanaanada xoolaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dowladda ay dedaal badan gelisay sidii looga shaqeyn lahaa in xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo Sacuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay in sanado badan kadib ay ku guuleysteen iney la yimaadaan qorsheyaal lagu shaqeeyo, sidoo kalena dowladda Sacuudiga looga dhaadhicinayo in dib loo bilaabo dhoofkii xoolaha Soomaaliya.




From the comments