Siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Galmudug qaarkood ayaa xilligan waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in la dhiso maamul loo dhan yahay oo Galmudug ah, xilli ay socdaan dedaallo arrintaasi ku aaddan.
Xildhibaan hore, Faysal Axmed Cabdulle oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay iney rajo badan ka qabaan Galmudug iney isku tashato, islamarkaana la dhiso maamul mideysan oo aan cidna ka maqneyn.
Sidoo kale, wuxuu sheegay xildhibaan Faysal in ay aad u rajeynayaan iney dhacdo doorasho xalaal ah oo aan eex iyo isdabamarin ku jirin.




From the comments