Siyaasi C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka faalooda siyaasadda dalka ayaa sheegay in Galmudug ay haatan ka baxayso wadadii khilaafka, islamarkaana u guureyso dhanka midnimada.
Wuxuu sheegay Daqare in muddo badan aysan wax shaqo ah ka jirin Galmudug, islamarkaana uu ragaadiyey khilaaf muddo soo jiray, balse hadda ay reer Galmudug ogaadeen iney midnimada wax walbo ku noqon karaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Daqare ayaa sheegay in wadada ay hadda cagta saartay Galmudug ay tahay mid aad ugu faraxsan yihiin, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug iney usoo jeestaan dhanka horumarka.




From the comments