Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya, iney dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Jubbaland iyo Galmudug.
Wuxuu sheegay in dowladda horey magacyo xun uga raaceen doorashooyin dalka ka dhacay loona baahan yahay iney hadda meel gees ah ka istaagto, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dani ayaa tilmaamay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay la shaqeynta dowlad goboleedyada, sidoo kalena ay iska ilaaliso wax walbo oo dalka khilaaf u keeni kara.




From the comments