Maamulka cusub ee degmada B/xaawo, gobolka Gedo ayaa sheegay iney wax badan ka qaban doonaan xaaladda ammaanka ee degmadaasi.
C/casiis Xareed C/laahi, guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in haddii ay wadashaqeyn buuxda ka helaan shacabka degmada B/xaawo ay aad u sahlanaaneyso in laga shaqeeyo amniga.
Guddoomiyahan ayaa dhanka kale u mahadceliyey maamulkii isaga ka horreeyay oo uu sheegay in wax badan uu ka qabtay degmadaasi.




From the comments