Goobjoog

Muxuu Xaaf Ugu Wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Doorashooyinka Galmudug?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka u wakiishay doorashada Galmudug. Hay’adaha kala ee…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka u wakiishay doorashada Galmudug.

Hay’adaha kala ee Galmudug ayuu faray iney sii wataan waajibaadkooda shaqo, balse arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka u wakiishay wasaaradda arrimaha gudaha.

Xaaf ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo inta uu magaalada joogay la kulmay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, halka Ra’iisul wasaaraha uu kula soo kulmay magaalada Cadaado.

Halkaan hoos ka akhriso qoraalka:

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments