Cabdiraxmaan Yariisow, duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka jawaabayey buug caafimaad oo ay soo saaratay wasaaradda caafimaadka ayaa ku tilmaamay mid ay ma muuqato maseyr iyo xaasidnimo. Mr. Yariisow oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri
”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Duqa Muqdisho oo sii-hadlaya waxaa uu yiri
“Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”.




From the comments