Xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in madaxweyne Xaaf aanu xaq u lahayn u wakiilashada wasaaradda arrimaha gudaha DFS ee doorashooyinka Galmudug.
Wuxuu sheegay in madaxweyne Xaaf qoraalkii uu soo saaray u muuqday mid shaqada baneeyey, islamarkaana mas’uuliyadda Galmudug ay haatan saaran tahay madaxweyne ku xigeenka.
Xildhibaan Xaashi ayaa tilmaamay in qalad ay tahay wareejinta doorashada Galmudug, islamarkaana xad-gudub ay tahay wuxuu sameeyey madaxweyne Xaaf, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments