Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in waanwaantii laga dhexwaday madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay mareyso meel wanaagsan rajana laga qabo in 24 saac gudahooda la gabagabeeyo.
Wasiir ku-xigeenka oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay dadaal badan oo lagu bixiyay hadda ay wax marayaan meel aad u wanaagsan ayna rajeynayaan in dhawaan xal waara la gaaro isaga oo yiri“ Arritaan dhowr iyo 20-tan maalin ayeey qaadatay waxaa aan u joognay waxaa ay aheyd is qancin in la sameeyo ayuu doorkeenu ahaa, kadib waxaa nagu soo biiray xildhibaanada federaalka oo nala jooga ilaa 11 maalmood, gudoomiyihii hore waxaa uu dalbaday inuu la hadlo madaxweyne Waare tiina xalay ayeey dhacday”.
Sidoo kale Daqare oo hadalkiisa sii-wato, ayaa xusay in xildhibaanada federaalka iyo heer gobol ay is ku dayeen sidii loo gaari lahaa heshiis looga hortagayo in colaad ay isku badasho khilaafka ka taaganaa gobalka Hiiraan.




From the comments