Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ayaa maanta waxa ay xukun xabsi ah ku riddey, wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, oo bilooyin badan xabsi ku jiray.
Coldoon ayaa lagu eedeeyey inuu u gefay qarannimada ay sheegato Somaliland, iyo sidoo kale inuu caqabad ku noqday gooni isku taaggooda, iyadoo dacwadda sidoo kale ay ku jirtay aflagaado la sheegay inuu wariyaha u geystay dugsiga abaarso.
Waxaa Cabdi Maalik lagu xukumay Saddex Sano iyo sidoo kale Lix bil oo xarig ah, iyadoo marar badan sidan oo kale loo xiray Coldoon.




From the comments