Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xalay wuxuu kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadii xalay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, dib u dhiska iyo iskaashiga dadweynaha.
Kheyre oo maalmahan ku sugnaan doona magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciidamada ee magaaladaasi, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin ciidamo Galmudug ah.




From the comments