Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu aad uga tiiraanyeeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.




From the comments