Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay& DFS
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay Lataliyaha Madaxweynaha KGS ee Arrimaha Haweenka iyo Wasiirka gaarka Maareynta Masiibooyinka DGKGS .
Ka dib ayaa si wada jir ah ula hadleen Warbaahinta, Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadley Wakiilka Qaramada Midoobay U qaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha ka dhanka Haweenka Goobaha dagaalada Ka socoda pramilla patten iyo Wasiiradda Haweenka Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin, Waxana ay sheegeen Ujeedka ay gaareen Magaalada Baydhabo, in ay tahay sidii dowlad Goboledka Kgs u gala shaqeyn lahaayeen horumarminta Arrimaha Haweenka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa waxaa uu sheegey in Kulanka ay la qaateen wafdiga Ka socoda Qaramada Madoobey iyo DFS,ay kawada hadleen sidii udub dhaxaad ugu noqon lahayeen Haweenka Maamulada.
Goobjoog News