U bood dhigaalka

Digniin Loo Diray Gaadiidleyda Kismaayo

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka ee magaalada Kismaayo ayaa digniin u diray darawallada kaxeeya gaadiidka qaarkood.

Bashiir Xiis Khaliif, taliyaha taliskan ayaa warbaahinta u sheegay iney jiraan darawallo dhegaha ka fureystay amarro horey loo siiyay, gaar ahaan kuwa kaxeeya gaadiidka dadweynaha.

Wuxuu sheegay taliyaha, in waddooyinka ay dhex-dhigaan gaadiidkooda, sidaasi darteedna tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo sidaasi sameysa.

“Darawallada kaxeeya gaadiidka Caasida ah waxay ka dhega adeegayaan qaarkood amarro aan siinnay, waxay jabiyaan shuruucda, marka ay dadka qaadayaan ama dejinayaan wadada ayeey dhex istaagaan, waxaan leenahay haddii aad shuruucda u hoggaansami weydaan tallaab adag ayaan idin ka qaadi doonnaa” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale, magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maalmihii lasoo dhaafaykusoo badanayey gaadiidka sharci la’aanta ah ee lagu dhex wado magaaladaasi.

Goobjoog News