Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo; Fowzia Maxamed Sheekh, ayaa Shalay Xafiiskeeda ku qaabbishay Wafdi ka socda hey’adda IOM iyo urur Goboleedka IGAD, waxayna ka wada hadleen fulinta mashaariic lagu dhisayo xarumaha Wasaaradda.
Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday hirgelinta mashaariic lagu dayactirayo xarumaha Wasaaradda Tamarta oo degaameysan doonta xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Xamar ee Degmada Wadajir.
Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ayaa Wasaaradda ka taageertay dhismaha xarunta sheybaarka Biyaha iyo goobo kale, waxaana si gaar ah looga hadlay dhismaha xarunta Wasaaradda, kaas oo dhowaan billaaban doona sida uu qorshuhu yahay.




From the comments