Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhul-gariir uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, balse ma aanay sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Faarax Maxamuud, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in dhul gariirkaasi uu ka dhacay Axaddii meel 171-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Bareeda ee gobolka Bari.
Wuxuu tilmaamay in qubaro ay hadda u dirayaan halka dhul-gariirka uu ka dhacay si ay u ogaadaan saameynta uu yeeshay.




From the comments