Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sanadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya sanadkaan waajibaadka xajka.
Cismaan Aaadan (Dhuubow) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda.
Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay.




From the comments