Guddiga Midowga Yurub ayaa madaxweynaha waxaa ay u doorteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ursula von der Leyen.
Madaxweynaah cusub ee Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Waxaa ay heshay 383 cod waxayana ubaahneed codad gaaraya 374 ka mid ah 747 xubnood ee codadka dhiibanayay ee xubnaha Baarlamaanka ee Midowaga Yurub oo doorashadaasi sameeyey,waxaana guddigu uu dejiyay Sharciyada,taasi oo horseedaysa in talaabo laga qaado wadamada xubnaah ka ah hadii ay qaladaad galaan.
Ursula von der Leyen ayaa u mahadcelisay Baarlamankii doortay iyadoo ku tilmaantay kalsoonida ay xubnahaasi siiyeen ay ka tarjumayso midnimada Midowga Yurub qeybaha Bariga Koonfurta Galbeedka iyo Waqooyiga Yurub.




From the comments