Kulankaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee Magaaladda Beled-weyne ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay siddii loo Horumarin lahaa Deegaanada Hirshabbeelle, maadaamaa ay Hirshabeelle ay kamid tahay maamuladii ugu dambeyay ee la dhisay.
Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xog waraysi uu guddoomiyaha la yeelanayay dadka deegaanka oo ku aadanaa xaalada nololeed iyo mid deegaan.
Waxaa Kulanka ka hadlay guddoomiyaha degmadda Beled-weyne Maxamed Axmad Ibraahim food cade iyo xildhibaano tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in kulankaan uu muhiim u yahay bulshada degaanka, maadaamaa ay ka hadlayaan xaaladooda.




From the comments