Shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo 11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin.
Goobta heshiiska lagu saxiixayey waxaa joogay Saciid Al-Qaabi oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha shirkadda Qatar Petroleum.




From the comments