Wasaaradda Waxbarashada Oo Shaacisay Natiijada Imtixaankii Mideysnaa Ee Dugsiyada Sare
Sheeko:Dalka

Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaaraddan oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan.
Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.