U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani Oo Xil Magacaabis Sameeyay

Luuliyo 25, 2019

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada Taleex ee gobolka Sool.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:

Madaxweynaha Maamulka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.

Xeerkani wux uu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Goobjoog News