Goobjoog

Faransiiska Oo Canshuur Ku soo Rogay Faceboog iyo Google iyo Trump oo Aflagaadeeyey Macron

Dalka Faransiiska ayaa waxaa uu canshuur ku soo rogay shirkadaha tiknolojiyadda Mareykanka sida Facebook, Google iyo qaar kale, arrintaas uu ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump. Mr. Trump ayaa sheegay in…

Faransiiska Oo Canshuur Ku soo Rogay Faceboog iyo Google iyo Trump oo Aflagaadeeyey Macron
US President Donald Trump delivers the State of the Union address in the chamber of the US House of Representatives in Washington, DC, on January 30, 2018. / AFP PHOTO / POOL / Win McNamee (Photo credit should read WIN MCNAMEE/AFP/Getty Images)

Dalka Faransiiska ayaa waxaa uu canshuur ku soo rogay shirkadaha tiknolojiyadda Mareykanka sida Facebook, Google iyo qaar kale, arrintaas uu ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump.

Mr. Trump ayaa sheegay in arrintaas ay tahay cadaalad darro isaga oo intaasi raaciyey “ Faransiiska waxaa uu canshuur ku soo rogay shirkadaheenna tiknolojiyadda, haddiiba kuweenna ay ku soo rogeyso, kuwooda haku soo rogto”.

Madaxweynaha Mareykanka oo sii hadlayey ayaa yiri“Waxaan ku dhawaaqi-doonnaa tallaabooyinka ka dhan ah, doqonnimada Macron, weligey ayaan sheegi jiray in khamriga Mareykanka uu ka fiican yahay kan Faransiiska”.

Mar la weydiiyey, adiga maba cabi khamri ayaa dhihi jirtayey sidee ku ogaatay in khamriga Mareykanka ka fiican yahay kan Faransiiska? “ Midabka Khamriga Mareykanka ayaa jecleystay” Trump ayaa ku jawaabay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments