Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay iney aqbaleen ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Waxay sheegeen waxgaradkan in wadahadallo dheer kadib ay is fahmeen xubnaha guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug, sidaasi darteedna ay diyaar u yihiin iney tagaan Dhuusamareeb.
Sidoo kale, waxgaradkan ayaa sheegay in ka beel ahaan ay diyaar u yihiin iney tagaan meel walbo oo gogosha nabadeed la dhigayo.




From the comments