Guud ahaan deegaannada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa maanta looga dabaaldegayaa 21-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska maamulkaasi.
Munaasabado aad loo soo agaasimay ayaa ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo dadweyne badan isku soo baxeen.
Magaalada Garoowe ayaa si weyn looga dabaaldegayaa, iyadoo kumanaan shacab ah iyo madax isugu soo baxeen goob fagaare ah.




From the comments