Goobjoog

DEG DEG: Guddoomiye Yariisow Oo Geeriyoodey

Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintay Allaha u naxariistee, Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho, Injineer C/raxmaan…

DEG DEG: Guddoomiye Yariisow Oo Geeriyoodey

Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintay Allaha u naxariistee, Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho, Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Allaha u naxariistee, Injineer Yariisow ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo 24-kii bishan ka dhex-dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Dalka gudahiisa oo wax looga qaban waayey ayaa keentay in dibadda loo qaado, iyadoo geeridiisa inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta la socotay qaarkood.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments