Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socota dhaq-dhaqaaqa diyaar garowga aaska guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Yariisow, kaas oo la filayo in la soo dejiyo saacadaha soo socda.
Marxuumka ayaa u geeriyoodey dhaawaca qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir muddo todobad laga joogo, halkaas oo ay ku dhinteen 10 qof.
Waxaa la xiray inta badan amniga magaalada, iyada oo aan dadka loo sheegin wax sabab, lana siin jidad kale oo isticmaalaan.




From the comments