Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo xoojinta iyo iskaashiga deegaannada Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya, kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergo aad u badan.
Shirkan oo ah kii Labaad ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Oromada, aqoonyahanno, waxgarad iyo sidoo kale bulshada qeybaheeda kala duwan.
Inta shirkan uu socdo ayaa diiradda waxaa lagu saari doonaa nabad ku noolaanshiyaha Labada dhinac, dhaqaalaha iyo iskaashigooda.




From the comments