Ka shaqeynta iyo Ansixinta qorshaha u adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya sida abaaraha, Daadadka iyo dagaalada ayuu ku saabsanaa shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa urur goboleedka IGAD Islamarkaana ay ka qeybgaleyn Wasiirka wasaarada, xubno ka socday IGAD iyo qaar kamida wasaaradaha dolwadda.
Xubnaha shirka ka qeyb galay ayaa is weedaarsaday doodo iyo tallooyin ku saabsan hagajinta iyo ansixinta qorshaha u adkeysiga aafooyinka oo muhiim u ah bulsahada soomaaliyeed, Iyadoo shirka waxa kasoo baxa ee la ansixiyana ay qeyb ka noqon doonaan qorshaha guud ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ka qeybgalayaasha ay Masuuliyad weyn ka saarantahay hagaajinta iyo ansixinta Istaraatiijiyadda u adkeysiga aafooyinka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan xoolo dhaqatada, Beeraleyda, Kalluumeysatada iyo dadka reer guuraga ah, si ay uga gaashaantaan Abaaraha, Daadadka, Dagaaladda iyo Musiibooyinka dabiiciga ah.




From the comments