Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Shuhadada magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.








From the comments