Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir.
Kulanka oo ka dhacay xarunta ay guddigu ku shaqeeyaan ayaa looga haday soo dhaweynta ergada, amniga magaalada iyo furitaanka shir-weymaha.
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Shaakir uu u caddeeyay guddiga in guud ahaan bulshada Dhuusamareeb ay u diyaar garowday soo dhaweynta, la diyaariyay deegaanka ergada, amniga magaaladana aad loo adkeeyay.




From the comments