Burcad Madow Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay boob xooggan kula dhaqaaqeen dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Boobkan ayaa ka dhacay deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburg , waxaana la boobay dhowr dukaan, sidey inoo sheegeen ganacsato ku sugan halkaasi.
Boobkan ayaa yimid kadib markii ganacsade Soomaaliyeed ay isku dhaceen shaqsi la sheegay inuu wax ka iibsanayey, taasina ay keentay iney ka caroodaan dadka deegaanka, sidaasina lagu boobo ku dhowaad Boqol Dukaan.




From the comments