Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa la sheegayaa in saaka hawlgal qorshaysan ay ka wadaan deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey Al-shabaab.
Saaka waaberigii ayay deegaankaasi galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey Al-shabaab.
Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.




From the comments