Cali Jaamac Maxamed, oo ah siyaasi, madaxna ka ah “Somali American leadership council”, oo ku nool gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu wareysi dhinacyo badan siiyey Goobjoog News, isaga oo uga waramay xaaladda Jubbaland.
Mr. Cali Maxamed waxaa uu sheegay in magaalada Kismaayo ay wax wanagsan ka socdaan, ayna muhiim tahay in dowladda ay gacan ka geysato, isaga oo bogaadiyay guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland, oo uu tilmaamay in ay qabteen shaqo aad u wanaagsan oo mudan in la taageero, waxaa uuna yiri “Waxaa la dhisay guddigii xuduudaha iyo doorashooyinka, waxaa ayna qabteen shaqo aad iyo aad u wanaagsan oo muhiim ah oo ay soo gaarsiiyeen bilow ilaa dhammaad ilaa maalinba tilaabo sax ah oo ku haboon waqtigeeda ay qaadayeen, oo sharcigii iyo nidaamkii ay dagsadeen waafaqsan”.
Sidoo kale guddoomiyaha Somali American leadership council ayaa aad u bogaadiyay odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada Jubbaland, waxaa sidoo kale uu hambalyo uu diray guddoomiyaha baarlamanka ee la doortay isaga oo xusay inuu wax badan soo qabtay oo lagu xasuusto, waxaa uuna yiri” waxaana rabaa inaan sidoo kale aan bogaadiyo Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland, ee soo xulay xildhibaannada oo muddadii ay ku jiraan howlaha oo ay la kulmeen caqabada, iyaga oo uga soo gudbay midnimadooda, wadajikoda, walaaltinimadooda, iyo rabitaanka shacabkooda, oo ayaguna shaqadii loogu tala galay soo qabtay oo soo xulay xildhibaanadii, waxaana hanbalyo u dirayaa guddoomiyaha cusub ee la doortay ee baarlamaanka 2-aad ee Sheekh Cabdi oo ahaa goddoomiyihii baarlamaanka 1aad shaqa fiicanna soo qabtay muddadii uu xafiiska joogay ”.




From the comments